
Salaasa, 30 August, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta Kumanaan qof oo reer Hargeysa salaadii Ciidul fidriga kula tukaday masjid ku yaal bartamaha caasimada Hargeysa.
Madane Siilaanyo oo salaadii Ciida ka dib dadweynaha khudbad kooban u jeediyay ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland iyo dhammaan shucuubta Islaamka oo uu ku bogaadiyay farxada maalinta weyn ee ciidul fidriga.
Sidoo kalena Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu ku baaqay in si weyn looga qayb qaado Gurmadka loogu jiro sidii Taakulo loo gaadhsiinhaa Dadka ay macaluushu hayso ee ku dhaqan Kuunfurta Soomaaliya.
Hadaladii Madaxweynaha waxa ka mid ahaa “Walaalayaal haddii aynu nahay dadweynaha reer Somaliland waxaan ILAAHAY uga mahad naqayaa Nabadgelyada, midnimada, wada jirka iyo dawladnimada dalkeena ka jirta. Waxaan jecelahay inaan idinku booriyo inay sii xoojino wada jirka iyo nabadgelyada aan haysano”.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu ka hadlay Abaaraha Soomaaliaya waxa uu yidhi “Waxaan caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan oo ay ka caawiyaan shacbiga dalka Soomaaliya dhibaatooyinka haysta ee ay soo gaadheen abaaraha iyo colaaduhu,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Gabagabgiina waxa uu Md. Axmed Siilaanyo dadweynaha Reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyadooda oo ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan mar walba.
Guud ahaa Magaalooyina Somaliland ayaa maants si weyn looga Iiday, Gaara ahaana Caasimada Hargeysa ayaa waxa si weyn uga muuqaday Damaashaadka iyo dabaaldagyada Munaasibada Ciidul fidriga oo sida oo kale Maanta laga xusayo Wadamo badan oo ka mida Caalanka Islaamka.




Caynaashe M. Muxsin
[email protected]
Hargeysa/ Somaliland