Talaado, Agoosto 30, 2011 (HOL) – Munaasabada Ciidul-fidiriga oo maanta siweyn looga oogay qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo guud ahaan dunada Muslim-ka, ayaa wararka laga hellayo Gobollka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in maanta dadka ku dhaqan gobolkaasi u tahay maalintii ugu danbeysay bisha Ramadaan.
Wariye jooga degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in guud ahaanba qeybaha gobolkaee uu ka jiro maamulka Ahlu Sunna Waljameeca u tahay maalin Ramadaan, kadib markii ay sidaa ku dhawaaqeen mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.
‘’Haa, iyaga ayaa sidaa dadka ku wargaliyay, waxana ay sheegeen in maanta ay tahay maalintii ugu danbeysay ee bisha Ramadaan, sidaa daraadeed suutagal ma’aha in lagu dhax arko magaalad cid Afuran,’’ ayuu yiri,’’ Wariyaha la hadllay HOL.
Laakiin waxaa uu sheegay in meelaha qaar marka aad eego ay jiraan dad iyagu aan Soomaney islamarkaana Ciida, hasse ahaatee ma’aha ayuu yiri dadkaasi kuwo ku dhaca in ay muujiyaan farxada munaasabada Ciida.
Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in gobolka Galgaduud laga Ciido, waxaana xusid mudan in degmada Matabaan oo ka tirsan gobollka Hiiraan sidoo kale ay u tahay maalin Ramadaan xili guud ahaan degmooyinka kale ee gobolku ka kooban yahay siweyn looga oogayo munaasabada Ciida.
Ma’aha wax ku cusub dalka Soomaaliya khilaafka ku saleysan dhinaca Diinta gaar ahaan bilashada bisha Ramadaan iyo maalinta Ciida oo aad arkeyso in culimadu siyaabo kala duwan uga hadllaan taasoo keentay in marka danbe leysku khilaafo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya