Munaasabada Ciidda oo siweyn looga oogay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Iyadoo maanta guud ahaanba dunida muslimka laga xusayo munaasabada balaaran ee Ciidul-fidriga, gaar ahaan dalka Soomaaliya intiisa badan ayaa magaalada Beledweyne waxaa ay ka mid tahay qeybaha dalka ee maanta siweyn looga Ciiday.

Maamulka Xarrakada Shabaabul Mujaahidiinta ee goballka Hiiraan ayaa xalay ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee munaasabada Ciidu-fidriga, waxaana ay dadku salaada ku oogeen Ex-garoonkii hore ee diyaaradaha xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Markii salada ay Salaadu soo dhamaatay ayaa mar kaliya waxaa magaalada is qabsaday qeybaha kala duwan ee bulshada oo hadba dhan u mushaaxaya, waxaase ugu sii darran caruurta oo ay maanta oo kale u tahay maalin aan iyaga laga xigan.

Guud ahaan waxaa lagu arkayaa Is-goosyada magaalada iyo xaafaddaha dhaxdooda caruur ku cayaareysa qalab kala duwan, iyo dad iyagu isugu mar xabeyna maalinta weyn ee qiimaha badan leh.

Sidoo kale, guud ahaan wararka xafiiska HOL ee Beledweyne ka soo gaaraya degmooyinka Buula-burte, Jalalaqsi, iyo Maxaas ayaa sheegay in iyaguna siweyn looga Ciiday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.

More News