Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeysay lagu qaybiyay isbitallada magaalada Muqdisho deeq lacageed oo gaaraysa $16,500 (Toban iyo lix kun iyo shan boqol oo dollar) oo ay soo dhiibeen Soomaalida ku nool dalka Tanzania.
Malintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ugu horreyn deeq lacageed oo dhan sh.so. 60-milyan oo u dhiganta $2,000 laga guddoonsiiyay naafada xoogga dalka oo deggen isbitaalka Martiini - degmadda Xamar-weyne ee magaaladda Muqdisho.
Waxaa halkaas hadal kooban ka jeediyay wasiirkii ku-xigeenkii macdanta iyo biyaha ee xukuumaddii Farmaajo, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax, isagoo sheegay in deeqdu tahay mid ka timid jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Tanzania, kuwaasoo ka damqaday dhibaatada haysata ummadda Soomaliyeed ee ka dhashay abaaraha iyo colaadaha is-biirsaday.
"Waxaan idiin rajeynaynaa in ALLAAH uu idin barakeeyo," ayuu yiri C/axmaan oo intaas ku daray in ALLE ajar iyo xasanaad uu ka siiyo dadkii deeqdaas soo dhiibay iyo intii soo gaarsiisay naafada xoogga.
Afhayeenka naafada xoogga dalka ee isbitaalka Martini, Cabdi Mahad Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay Alle uga baryayaan intii soo dhiibtay iyo intii soo garrsiisay wanaag iyo khayr badan, isagoo ku daray in naafadu ay u baahan yihiin daryeel iyo horumarin.
Sidoo kale, waxaa deeq lacaheed oo gaaraysa 240-million oo So. Sh. una dhiganta $8,000 loo qaybiyay bukaannada kala duwan ee ku jira isbitaalka hooyadda iyo dhallaanka ee banaaadir iyo kuwa bukaan socod ah ee isbitaalkaas ku jira.
Waxaa deeqdaas ka mahadceliyay Dr. Bashir Xuseen Cumar oo wakiilka ka ahaa maamulka isbitaalkas. Waxaa sidoo kale lagu wareejiyay lacag u dhiganta $1,000 oo loogu talogalay in ka mid noqoto adeegga isbitaalka, taasoo uu wareejiyay mudane C/raxmaan Yuusuf isla markaasna uu aqbalay agaasimaha guud ee isbitaalka Banaadir Dr. C/risaaq Xasan Cali.
Shalay oo Isniin ahayd ayaa waxaa sidoo kale la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho deeq lacageed oo gaaraysa 195-million oo So. Sh. ah taasoo u dhiganta $5,500 iyadoo loo qaybiyay bukaanada isbitaalka ku jira, iyadoo loo siiyay sida ay u kala daran yihiin.
Dr. Maxamed Yuusuf oo ah agaasimaha isbitaalka Madiina ayaa deeqda soo dhaweeyay, isagoo ku dhiirrigeliyay jaaliyadaha Soomaaliyeed inay sii laba-laabaan gurmadka ay u fidinayaan walaalahood Soomaliyeed ee dhibaateysan.
Waxaa halkaas erayo mahad-celin ah ka jeedisay xildhibaanad Aamina Mursal oo la yaabtay dhaqaalaha ay jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka Tanzana ay soo dhiibeen, iyadoo uga mahad-celisay dadaalka dheeriga ah oo ay jaaliyaddu muujisay isla markaana tilmaantay in ciddii dadaal waddo lagu dayado.
Sidoo kale, waxaa isla shalay la gaarsiiyay deeq lacageed oo gaareysay 30-milyan oo Somali. shillin ah una dhiganta $1,000 dadka ku dhibaateysan degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.
Guud ahaan, jaaliyadda Soomaliyeed ee Tanzania waxay deeq cunto iyo lacag ah ay horay u soo gaarsiiyeen barakacayaasha ku sugan degmooyinka Waaberi, Xamar-Jabjab, Shangaani iyo Xamar-weyne. Sidoo kale waxa deeq raashin ah oo ballaran ay gaarsiisay barakacayaal ku sugan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya