Magaalada Borlänge ee dalka Sweden oo maanta si weyn looga ciiday? (SAWIRRO)


Talaado, August 30, 2011(HOL): Magaalada Borlänge ee gobolka Dalarna ee dalka Sweden ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ku tukadeen Salaaddii Ciidda Masjidka Magaalada.

Magaalada Borlänge oo ay ku nool yihiin Soomaali ku dhow 2000 oo ruux ayaa waxay maanta farxadda munaasabadda ciidda la qeybsanayeen dadyowga Muslimiinta ah  meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

Dadka ayaa markii ay oogeen ama tukadeen Salaadda Ciidda ayaa waxay isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciidda, iyagoo isu gudbinayay hadallo is-marxabbeyn iyo kalgaceyl uu xambaarsan yahay, waxaana ka mid ahaa Ciid wanaagsan ama Ciid Mubaarak iyo iyagoo isugu duceynayay in uu Allaah dembi dhaaf  iyo naxariis ku siiyo Soonkii ay soo soomeen, sidoo kalena uu sanadkan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqo, horumar iyo Soomaaliya oo nabad ah.

Sidoo kale Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Borlänge waxaa ay farxadda ciidda la wadaageen dadyow kale oo ka soo jeeda Wadamo Muslim ah, kuwaasi oo iyagana si weyn u faraxsanaa, isuguna hambalyeynayay munaasabadda ciidda.

Magaalooyinka kale ee dalka Sweden sida Caasimadda Stockholm, caasimadda labaad ee Gotenborg iyo magaalooyin kale oo dalka Sweden Sweden ka mid ah ayaa iyana si weyn looga ciiday.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]

 


 

More News