
Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Iyadoo maanta ay ahayd maalinkii ugu horeeyay ee Ciidul-Fitriga ayaa waxaa kumannaan qof oo reer Muqdisho ah ay iskugu tageen fagaare weyn oo uu u calaamadiyay maamulka gobolka Banaadir ee salaada ciidda ugu tukadaan.
Xerada Maslax ee duleedka xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa oo ka mid ahayd goobihii uu maamulku iclaamiyay in lagu tukado salaadda ciidda ayaa waxaa isugu soo baxay kumanaan qof oo isugu jiray rag, haween, caruur iyo mas'uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo dadka shacabka ah kala qayb damaashaadka Ciidul-Fitriga.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab Sheekh Maxammed Xassan Cumar (Abuu-Cabdiraxman) ayaa tujiyay dadkii isku soo baxay salaadda ciidda, waxaana goobtaas ammaankeeda sugayay xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Sheekh Abuu-C/raxmaan ayaa ku dheeraaday ka hadalka abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dadka muslimiinta ah inay gurmad u fidiyaan walaalahooda dhibaataysan si aysan ugu baahan shisheeye aanan wax naxariis ah u hayn.
Kaddib waxaa isaguna halkaas ka hadlay afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) wuxuuna hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan muslimiinta caalamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed oo uu u rajeeyay inay ciidan teeda kale ku gaaraan wanaag iyo inuu ALLE dhibaatada ka dulqaado.
Afhayeenku wuxuu sheegay in ciiddan ay tahay mid kusoo aaday xilli ay gaareen midnimo buuxda, ayna meesha ka baxday kala qaybsanaantii iyo magacyadii kala duwanaa ee ay mujaahidiintu kala lahaan jireen. Maantana ay yihiin kuwo isku duuban oo leh hal hogaamiye iyo hal magac.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in xeeladdii dagaal ee ay dhawaan ka hirgeliyeen Muqdisho ay guulaysatay ayna u suuro-gashay inay dhabarka ka jebiyaan dhagartii cadawga dalka kusoo duulay, iyadoo ay arrinkaas cadayn u tahay weerarada isdaba-jooga ah ee ay mujaahidiintu u gaysanayaan cadawga oo uu ula jeeday AMISOM.
Fagaaraha Maslax ee maanta salaadda ciidda lagu tukanayay ayaa waxaa si weyn u soo buux-dhaafiyay ciidamada kala duwan ee Al-Shabaab sida kuwa xisbada iyo milatariga oo aad u hubeysan, kuwaasoo sugayay ammaanka, waxaana salaadda kadib ay socod dheer kusoo mareen waddada dheer ee isku xirta xerada Maslax iyo warshada baastada, iyagoo ay daawanayeen dadweyne fara badan oo hareeraha wadada soo buuxiyay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya