Magaalada Kismaayo oo maanta laga ciiday (SAWIRRO)


Talaado, August 30, 2011(HOL): Munsaabadda ciida barakeeysan ee ciidul fitriga ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Kismaayo, iyadoona kumanaan dadweeyne ah ay isugu soo baxeen fagaaraha weyn ee isbartiimo feekiyo ee bartamaha magaalada Kismaayo si ay ugu oogaan salaadda Ciidda.
 
Labada rakaco ee salaadda kadib waxaa fagaaraha weyn ee isbartiimo feekiyo qudbado kala duwan ka jeediyay masuuliyiin katirsan maamulka Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka, iyagoona ugu baaqay dadweeynihii halkaasi isugu yimid in ay ka qeybqaataan dagaallada ay xarakad Alshabaab kula jirto Dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM.
 
Magaalada Kismaayo ayaa maanta waxa laga dareemaya farxadda ciida barakeysan ee ciidul fitriga, waxaana ay dadku isugu hambalyeynayaan Ciiddan qiimaha leh.

Farxadda ciida barakeysan ee ciidul fitriga ayaa ku soo beegmeysa xilli ay magaalada Kismaayo kusoo barakaceen kumanaan dad ah oo ka soo cararay abaaraha ka jira qeybo katirsan gobollada Dalka Soomaaliya, waxaana ay dadkaasi codsanayaa in lala soo gaaro kaalmo biniaadanimo, si ay farxadda ula qeybsadaan walalahooda musliminta ee caalamka ku nool.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya

More News