Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ugu baaqay Col. Qadaafi inuu aqoonsado in looga adkaaday dagaalka Liibiya

Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, Jean Ping ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya inay xushmeeyaan xuquuqda aadanaha, isagoo sheegay in Col. Qadaafi looga baahan yahay inuu aqoonsado in dagaalka looga adkaaday.

"Ma jiro wax lagama maarmaan ka dhigaya in argoosi la sameeyo, waa in la joojiyo cadaawadda iyo dilka, waana inuu Col. Qadaafi aqoonsado in dagaalka socda looga adkaaday," ayuu yiri Jean Ping oo ka digay in labada dhinac ay bartilmaameed ka dhigtaan dadka shacabka ah ee ay u arkaan inay kasoo horjeedaan.

Mucaaradka Liibiya ayuu ugu baaqay inaysan wax aar-goosi ah sameyn, isagoo si guud labad dhinac ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan, isagoo yiri dhinac ayaa laga adkaaday, dhinaca kalena wuu guuleysatay.

Hadalka Jean Ping ayaa imaanaya iyadoo saddex maalmood ka hor ay madaxda dalalka Afrika diideen inay aqoonsadaan mucaaradka Liibiya, wuxuuna Ping sheegay in lasoo dhaweyn doono haddii mucaaradka Liibiya ay dhisaan dowlad loo dhan yahay. Isagoo sheegay in dowladda loo dhameyn uusan macnaheedu ahayn in Col. Qadaafi uu maamulka ka mid noqdo.

"Kursiga Midowga Afrika wuu idin sugayaa, kala guurka ayuuna idinku simayaan. Waxaan idin weydiisanaynaa in dowladdu ay noqoto mid ay u dhan yihiin dhammaan shacabka Liibiya," ayuu ku yiri Ping hadal uu u jeedinayay mucaaradkad dalka Liibiya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika wuxuu walaac ka muujiyay warar sheegaya dilal ay mucaaradku u geysanayaan dadka madow ee dalkaas ku nool, iyagoo uga shakisan inay yihiin calooshood u shaqeystayaal ka barbar dagaalamayay Col. Qadaafi.

"Mucaaradku waxay u muuqdaan kuwo dadka madow u haysta inay yihiin calooshood u shaqeystayaal, waxaa loo baahan yahay inay ogaadaan in saddex meelood meel dadka Liibiya ay yihiin madow iyaguna ay noqonayaan calooshood u shaqeystayaal," ayuu yiri hoggaamiyaha Midowga Afrika.

Jean Ping ayaa hadalkiisa oo isugu jiray waano iyo digniin wuxuu yimid iyadoo inta badan magaalada Tripoli ay ka taliyaan mucaaradka, sidoo kalena ay xaaskii Qadaafi iyo saddex cunug oo uu dhalay oo uu ku jiro wiilka ugu weyn caruurtiisa ay magan-galyo ahaan u galeen dalka Al-Jeeriya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya