Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul-fidriga u diray ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, wuxuuna ugu baaqay inay iscafiyaan.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in hambalyada uu dirayo dhammaan Soomaaliyeed ee ku nool dibadda dalka iyo kuwa ku sugan gudaha, isagoo Alle ka baryay in ciiddan midda xigta uu ku gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed nabad iyo baraare.
"Ummadda Soomaaliyeed waa inay iscafiyaan dhibaatooyinkii ay soo mareen awgood ayna Alle ka rajeeyaan inuu dambi-dhaaf uga bishii Ramadaan ee ay soo soomeen," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in isagoo munaasabaddan ka faad'iideysanaya uu kula talinayo qof walba oo waalidkiis nool yahay inuu u samofalo, qofkii ay dhinteenna uu u duceeyo in Alle uu jannadiisa ku abaalmariyo.
"Waxaa muuqata yididiillo dowladnimo, waana inay shacabka Somaaliyeed gacan ku siiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya soo celinta ammaanka iyo nabadgalyada," ayuu yiri Sheekh Shariif.
Hambalyadan ayaa waxaa sidoo kale diraya madaxda DKMG ah iyagoo shacabka Soomaaliyeed u rajeyeeyay nabad inay ku gaaraan ciiddan midda xigta, waxaana xubnaha diraya ka mid ah ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenka baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya