Soomaalida Borlänge oo Deeq lacageed gaarsiiyay Dad ku Dhibaateysan Soomaaliya


Talaado, August 30, 2011(HOL): Soomaalida ku dhaqan Magaalada Borlänge ee dalka Sweden ayaa deeq lacageed gaarsiiyay dad ku dhibaateysan meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah.

Siciid Axmed Siyaad, Guddoomiyaha guddiga gurmadka Abaaraha ee Magaalada Borlänge oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan magaalada Borlänge ay u gurmadeen walaalahooda ku dhibaateysan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas fududeeyeen guddo ka kooban 20 dhalinyaro ah, kuwaas isu xilsaaray in ay dadka dhexgalaan isla markaana ay ka soo uruuriyaan wixii ay awoodaan.

Siciid Axmed Siyaad waxaa uu u mahadceliyay Soomaalida ku dhaqan magaalada Borlänge, kuwaasi oo uu sheegay in ay gurmad hagar la’aan ah sameeyeen, wuxuuna ku sii boorriyay in ay sii labuulaabaan dadaalkooda gurmadka ah.

Meelaha la gaarsiiyay deeqda lacageed ayuu sheegay Saciid Axmed Siyaad in ay ka mid yihiin Jilib, Buulo Mareer, Afgooye, deegaanno ka mid ah Gobolka Gedo  sida Doolow
Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Soomaaliya dibaddiisa ayaa waxay dhawaanahanba wadeen gurmad ay u sameynayaan walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay isugu darsameen colaad iyo abaar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]

More News