Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Wakiilka xoghayaha guud Qarammada Midoobay ee Soomaaliya danjire Augostine Mahiga ayaa ummadda Soomaliyeed ugu hambaleeyay munaasabadda maalinta Ciidul-fitriga oo maanta ku beegan.
"Waxaan u rajeynayaa madaxda Soomaalida iyo shacbkoodaba ciid wanaagsan, anigoo si daacdnimo leh ugu rajeynayo horumar iyo mustaqbal ammaan leh," ayuu yiri Mahiga.
Danjire Mahiga wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka haysta dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha iyo colaadaha dalka Soomaaliya ka taagan.
"Waxaan si murugo leh u xusuun-nahay kuwa xilligaan dhibaatoonaya, saameynta abaaraha ama dagaallada iyo loolanka soconaaya oo saameeyay. Waxaan Alle uga baryayaa inay dhibaatu ka dhammaanto, mustaqbal wanaagsanna uu iyaga iyo reerahooda siiyo," ayuu hadalkiisa daba-dhigay.
Sidoo kale, Mahiga wuxuu bishii Ramadaan billowgeeda hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan, wuxuuna u rajeeyay inay farxad iyo wanaag ku dhameystaan.
Mahiga ayaan ahayn qof Muslim ah, waxaase uu hadalkan qayb ka yahay kuwa ay madaxda aan Islaamka ahayn ee dunida u diraan shucuubta Muslimiinta ah iyagoo ku tixgelinaya cibaadaadkooda iyo farxadahooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya