Dufcadii Seddexaad ee arday la barayo sharciyada gaadiidka lagu kaxeeyo oo waxbarasho u xaroon doonta

Siciid Axmed Siyaad
Talaado, August 30, 2011(HOL): 2-da September 2011 oo ku beegan maalin jimco ayaa waxaa Daarta No.10 ee xaafadda Klöverstigen  ka bilaaban doonta barashada sharciyada gaadiidka lagu kaxeeyo, iyadoo uu wax ka dhigi doono macallin aqoon fiican u leh sharciyada gaadiidka lagu kaxeeyo.

Macallin Siciid Axmed Siyaad  oo ah macallinka waxbarashadan bixiya ayaa HOL u sheegay in waxbarashada Theory-ga ay u kala qaadi doonaan labo qeybood: (a) qeyb waxbarasho deg deg ah oo hal bil ah, taasi oo ay ka heleen dadkii ku soo guuleystay kaxeynta gaadiidka hayeeshee aanan weli helin ruqsadda Kaarka Gaadiidka lagu kaxeeyo (b) iyo koorso seddex bilood ah oo ah middii caadiga ahayd.

Waxaa uu intaas ku daray Macallin Siciid in intii ay waxbarashada soo wadeen ay dad badan ku guuleysteen in ay helaan fursad ay ku bartaan gaadiid kaxeynta iyo weliba sharciga gaadiidka lagu kaxeeyo, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay horumar la taaban karo oo ay gaaareen dadka ku dhaqan magaalada Borlänge.

Tan iyo markii xaruntan waxbarashada loo furay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Borlänge iyo magaalooyinka u dhow dhow waxaa ka aflaxay dad badan, kuwaasi oo baahi badan u qabay in bartaan kaxeynta gaadiidka iyo weliba sharciyada lagu kaxeeyo. Dadka ka qalin-jebiyay xaruntan ayaa si weyn u soo dhaweeyay dadaalka uu wado Macallin Siciid Axmed Siyaad

Dalka Sweden ayaa wuxuu ka mid yahay Waddamada ay adag tahay in si sahal ah lagu helo Kaarka ogolaashaha ah ee gaadiidka lagu kaxeeyo, waxaana sidoo kale adag imtixaanka loo maro helista ogolaashaha Kaarka ogolaashaha gaadiid kaxeynta (Körkord),

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]