Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Maamulka Xarakada Al-shabaab ee deegaannada loo barakacay ayaa ganacsatada iyo shirkadaha ka howlgala deegaanadaas ku amray inay boorarkooda ku qoraan luuqadda Carabiga, iyagoo sheegay in tani ay tahay mid sare loogu qaadayo barashada Carabiga.
Qoraal kasoo baxay maamulka deegaanka Lafoole ee Shabeelaha hoose ayaa lagu faraya shirkadaha ganacsiga, iskuullada iyo dhammaan cid walba oo astaan gaar ah leh inay luuqadda Carabiga u qoraan boorarkooda qaybta sare.
"Magacyada iyo astaamaha gaarka ah waa in lagu qoro luqadda Carabiga, kaddibna wixii kale ee qoraal ah qaybta hoose lagu qoro, sida afka Soomaaliga iyo Ingiriiska," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in looga gol-leeyahay sidii loo weynayn lahaa luqadda Carabiga oo ah luuqadda uu Qur'aanka Kariimka kusoo dagay, isla markaana ay barashadeedu tahay mid muhiim u ah Muslimiinta.
Amarkan oo ah midkii ugu horreeyay oo noociisa ah oo ay soo saarto Xarakada Al-shabaab ayaa noqonaya mid caddeyn u ah in Al-shabaab ay ku doonayso inay dadku ku bartaan luuqadda Carbiga, waxaana sannadihii lasoo dhaafay ay ka joojiyeen gobollada dalka qaarkood barashada luuqadda Ingiriiska.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya