Puntland oo maanta looga dabaal-degay munaasabadda ciidul-fidriga (SAWIRRO)


Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) -  Maanta waa maalin qiimo wayn ugu fadhida in badan oo kamid ah muslimiinta caalamka meel kasta oo ay joogaan ,waxaana dunida daafaheeda ka dhacaya dabaal-degyo maalintan looga qayb qaadanayo.

Waxaa Puntland ay maanta ka mid ahayd goobaha sida isku wada midka ah looga ciiday ,iyadoo dadka ay ahaayeen kuwa isugu bishaaraynayay maalintan oo sanadkii  hal mar soo marta ,maadaama ay bil dhan soo soomanayeen.

"Aniga waxa ay ii tahay maalin qiimo leh maadaama aan halkaan  kula ciidayo caruurtayda iyo qoyskayga "ayey tir Faadumo Yuusuf oo kamid ahayd dadkii aan maanta kula kulmay magaalada Bosaaso oo ah xarunta gobolka Bari.

Salaaddii Ciidda ayaa maanta waxaa lagu tukaday goobo si gaar ah loo diyaariyay maalmo ka hor si dadka ay waajibaadkooda  ugu guttaan,waxaana salaaddi ciidda  ka dib khudbado muhiim ah dadka u aqiryay qaar kamid ah culumaa'udiinka gobolka ugu caansan ,iyaga oo bulshada ugu baaqay in ay is-cafiyaan ,maadama bishii barakaysnayd la soo sagootiyay.


Duqa degmada Bosaaso Xasan C/dille Xasan oo la hadlay dadwaynaha magaalada ayaa bulshada ugu duceeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad,isagoo qaybaha bulshada ka codsaday in dowladda hoose lagala shaqeeyo olole lagu doonayo in lagu hagaajiyo bilicda degmada.

"Qiima badan ayey noo leedahay maalintan waxaana ilaahey ka baryaynaa inaan burwaaqo kuwada ciidno ,aniga oo dadka ugu baaqaya in ay nadaafadda ka shaqeeyaan"ayuu yiri duqa ,isagoo tilmaamay in nabad-galyada xoogga la saari doono waqtiyada soo socda.

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid oo kamid ahaa masuuliyiintii qudabadaha ka jeediyay masjidka Mubaarak ee Bosaaso ayaa dhiiri-galiyay maamulka cusub ee degmada ,isagoo xusay in odayaasha dhaqanka looga baahanyahay sidii ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen ka shaqaynta nabad-galyada.

Dhinaca kale waxaa maanta dadka ay ku soo ciidayeen goobo ka baxsan magaalada oo loogu tala galay dalxiiska ,waxaana ay ahaayeen kuwa isugu bishaaranaynayay qiimaha ay leedayay ciidul-Fitirga,waxaana magaaloyinka kale ee sida wayn looga ciiday kamid ahaa Gaalkacyo ee Garowe .







Faysal Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya

More News