Sabti, June 18, 2011(HOL): Waxaa si habsami leh loogu soo gabagabeeyay Garoonka Kubadda Gacanta ee Degmada Waberi Horyaalka 12aad ee Wiilasha Kubadda Gacanta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgelayaan 8 kooxood.
Horyaalkan 12aad waxaa xertaankiisa ka qeybgalay Mas'uuliyiin ka socday Guddiga Olambikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada iyo Maamulka Degmada Waberi.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan [Eenow] ayaa ugu horeyn ka warbixiyay sida uu ugu faraxsan yahay sida wacan ee ay ugu soo idlaatay Horyaalka, Wuxuuna u mahadceliyay Maamulka Degmada Waberi, madaxda kooxaha ,ciyaartoyda ,taageerayaasha iyo warbaahinta dalka qeybtii lama iloobaanka ay ka qaateen taabagelinta Horyaalka 12aad.
"Farxad ayay inoo tahay inuu horyaalkan noogu dhamaado si nabadgelyo iyo xiiso leh, kama caajisi doonno horumarinta ciyaarta K/Gacanta waxaana ka shaqeyn doonaa inaan si ka wanaagsan horyaalkan inaan ku soo kordhino xiisaha tartanka, Waxaana ugu talogalka abaalmarino koobab qaali ah sanadkan kuwa soo socda waan ka sii balaarin doonaa dhinaca abaalmarinada." ayuu ku daray Guddoomiye Eenoow.
Ku simaha Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ahna G/Xigaha saddexaad ee GOS Xasan Axmed Cabdi oo isna xeritaanka Horyaalka ka sheegay in Xiriirka Kubadda Gacanta ku amaanayaan dadaalka uu muujiyay, wuxuuna raaciyay in marqaati ay u tahay sida baaxadda leh ee tartanka looga soo qeybgalyay mar walba.
"Si qurux badan oo aad loo jeclaystay ayuu ku soo idlaaday Horyaalkan,taasna waxay ku timid sida wanaagsan ee uu xiriirku u soo agaasimay, waan u mahadcelinaynaa haddii aynu nahay GOS maamulka degmada Waberi kaalintii ay ka gaysteen habsami u socodka horyaalka 12aad ee K/Gacanta." Ayuu ku soo xiray Md. Xasan Elman.
Guddoomiyaha Degmada Waberi Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu horeyn tibaaxay in maamulka degmada iyo XSKG farxad ay u tahay sida wanaagsan ee uu tartanka ugu soo gabagaboobay, wuxuuna balan qaaday inay walba dhiirigelinayaan horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed isla markaasna ay soo dhaweynayaan mar walba in laga fuliyo garoonka Degmada Waberi dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee dalka.
Ciyaartii ugu dambeyay ee lagu soo xiray Horyaalka 12aad ee Kubadda Gacanta Soomaaliya ayaa waxaa ciyaar aad u xiiso badan isaga hor yimid Kooxaha Heegan iyo Dekedda, waxaana 31-29 ku badiyay Kooxda Heegan.
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Isboorti.com Managing Editor
Email: [email protected]