Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Madaxweynaha dalka Eritrea Issias Afewerqi ayaa iska fogeeyay eedeynta ku saabsan inuu hub iyo dhaqaale uu dalkiisku ku taageero xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Mr. Efewerqi ayaa hadalkan ku sheegay warbixin uu baarlamaanka dalkiisa siinayay maanta, wuxuuna intaas ku daray in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo ay baahiyeen dalal iyo ururro uu ku sheegay inay cadow ku yihiin Eritrea.
"Eedeymahan waxaan ku tilmaami karnaa dulmi iyo been abuur laga faafinayo dalkeenna iyo dadkeenna, ma jirto hub iyo dhaqaale aan ku taageerno xoogagga xaq-u-dirirka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya," ayuu hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Eritrea wuxuu dalalka calaamka ku eedeeyay inay mas'uul ka yihiin qalalaasaha ka taagan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dal walba uu ka eeganayo danihiisa qaaska ah, balse aysan doonayn inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed.
"Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD wax aan dantooda ahayn kama eeganayaan Soomaaliya, mana doonayaan in xal laga gaaro dagaallada muddada 20-ka sano ah ka socday dalkaas," ayuu Efewerqi ku sheegay hadalka uu u jeedinayay xildhibaannada baarlamaanka dalkiisa.
Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku eedeysay Eritrea inay maalgeliso Xarrakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Eritrea beeniso inay taageero dhaqaale, mid milateri iyo tababarro ay siiso xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya