Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Ugu yaraan afar qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay dagaal xalay fiidkii ciidammo kawada tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku dhexmaray degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo kale.
Iska-hor-imaadka oo ka dhacay xaafadda buundooyinka ee degmada Waaberi ayaan la ogeyn sababta ka dambeysay, balse mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo wax laga weydiiyay arrintan ayaa ka gaabsaday inay sharraxaad ka bixiyaan.
"Rasaastu si lama filaan ah ayay u billaabatay waxayna u dhexeysay ciidammo ku sugnaa xaafadda iyo kuwo kale oo yimid, waxaan arkay geerida afar qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen askartii dagaalamayay iyo laba shacab ah," ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal ku sugnaa halka uu dagaalku ka dhacay.
Goobjoogahan ayaa intaas ku daray in dagaalka uu socday qaddar kooban uuna arkay dhaawacyada shan qof oo kale kuwaasoo isugu jiray shacab iyo askar, balse tan iyo xalay la dareemayay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeyay askartii dagaalamay, inkastoo aysan wax dagaallo ah oo dambe dhicin.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan maamulka gobolka Banaadir uu sheegay inay la dagaalamayaan ciidamada hubka ku dhex-wata degmooyinka ay dowladdu ka taliso iyo kuwa gaadiidka dadweynaha ka qaata lacagaha sharci-darrada ah.
Lama oga tallaabada ay xukuumadda KMG ah iyo maamulka gobolka Banaadir ka qaadan doonaan dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda kawada tirsan, iyadoo dhowr jeer oo hore laga digay dagaallo dhexmara ciidamada DKMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya