Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Dowladda KMG ah ee Soomalaiya ayaa maanta tabar ciidan ugu soo xirtay deegaanka Dhoobley tiro askar ah, kuwaa oo ay dowlaaddu sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeybqaataan dagaallada ka dhanka ah Xarakada Alshabaab.
Askartan cusub ee katirsan dowladda KMG ah ayaa bilihii lasoo dhaafay waxa uu tababar ciidan uga socday nawaaxiga deegaanka Dhoobley ee gobolka J/hoose, iyadoona maanta loo soo xiray tababarkaasi ku dhowaad ilaa iyo 3000 (sedex kun) oo askari.
Saraakiil katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugan deegaanka Dhoobley, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in askarta tababarka loo soo xiray ay tiro ahaan gaareyso ilaa 3000 (3kun) oo askari, waxaana ay saraakiishaasi sheegeen in ay ciidamadani qeyb ka noqon doonaan howlgallada militari ee ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ka wadaan gobollada Jubooyinka.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa mudooyinkan danbe waxa ay ka wadaa gobollada Jubooyinka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan, iyadoona dhawaan shir ka dhacay magaalada Dhoobley ee gobolka J/hoose oo ay isugu yimaadeen saraakiisha ciidamada iyo qaar katirsan madaxda dowladda looga wada hadlay sidii maamulka dowladda loogu baahin lahaa guud ahaanba gobollada Jubooyinka oo ay inta badan ka arimiyaan xoogaga Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya