Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tradoodu ka badnaynd 100-xubnood ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, iyagoo sheegay in kulankoodu uu yahay mid hordhac u ah kulammadii caadiga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo hakad ku jiray.
Inkastoo xildhibaanadan aysan buuxin karin kooranka ay fadhiyada baarlamaanku ku furmi karana ayaa haddana waxay sheegeen in kulamadoodu ay yihiin kuwo hordhac u ah shirarka baarlamaanka, iyagoo shir guddoon u doortay Mowliid Macaani Maxamuud, kaasoo ay sheegeen inuu guddoomin doono kulammadooda inta guddoonka baarlamaanku ay dib u bilaabayaan kulammada baarlamaanka.
"Kulankan ma ahan mid aan go'aanno ku gaarayno ee waa mid aan howsha golaha baarlamaanka dib boorka uga jafayno," ayuu yiri xildhibaan Mowliid Macaani oo kulanka ka hadlay.
"Haddii ay madaxda baarlamaanku kulammada dib u furaan markaas ayaan go'aan gaari doonaa... haddiise ay dib u furi waayaan kulammada waxay xildhibaannada oo intaan ka badan gaari doona go'aan xarfo iyo laamo badan leh," ayuu daba-dhigay hadalkiisa.
Mudane Mowliid Macaani oo ka hadlay heshiiskii Kampala ayaa ku tilmaamay mid la mid ah heshiiskii Baarliin ee shanta qaybood loogu qaybiyay Soomaaliya, isagoo xusay in heshiiska Kampala lagu dumiyay dastuurkii iyo xeerkii ay dowladda KMG ah ay ku dhisnayd.
"Heshiiskii Baarliin waxaa lagu burburiyay midnimadii Soomaaliya, kan Kampalana waa mid lagu burburiyay dastuurka dalka, mana ogolaan karno in rag shisheeye ah ay noqdaan baarlamaanka Soomaaliya oo ay kormeeraan howlaha dowladda," ayuu yiri Mowliid Macaani.
Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya aysan ansixin doonin qodobbada heshiiskaas.
Xubnaha kulanka ka qaybqaadanayay ayaa waxaa ka mid ahaa: C/naasir Maxamed Gaarane, Sheekh Yuusuf Cali Caynte, Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo kuwo kale, waxayna xubnahani sheegeen in iyagoo 180-xubnood ah ay go'aan ku gaareen in dib loo furo kulammada baarlamaanka, balse intii xarunta golaha ku sugnayd aad ayay uga yarayd tiradaas.
"Ma jirto khilaaf u dhexeeya xukuumadda iyo baarlamaanka, waayo innagu dacwad kama qorin kalsoonidana kalama laaban xukuumadda, waxbana kama jiraan wararka sheegaya in xukuumadda iyo baarlmaanku ay wadashaqeyn waayeen," ayuu yiri mudane Gaarane.
Xildhibaannada ayaa waxay sheegeen inay si caadi ah u wadan doonaan shirarka baarlamaanka afar bilood kaddib, waxayna ugu baaqay xildhibaannada kale ee aan kulanka maanta soo xaadirin inay kasoo qaybgalaan si mooshinno badan oo yaalla looga doodo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya