Xarrakada Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay laba wiil oo ay ku eedeysay inay Jawaasiis u ahaayeen DKMG ah

Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Xarrakada Al-Shabaab ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ahaayeen jaajuusiin u shaqeynayay dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Labadan wiil ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray: Caadil Maxamed Xuseen oo 21-jir ahaa iyo Cabbaas Maxamed Abuukar oo 18-jir ahaa, waxaana uu dilkoodu ka dhacay barxad ku taalla degmada Dayniile.

Saraakiil ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa ku sugnaa goobta ay toogashadu ka dhacday, sidoo kalena waxaa goobta ku sugnaa boqolaal dad ah oo isaga yimid xaafadaha kala duwan ee degmadaas ka kooban tahay.

Qaaliga Maxkamadda gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cumar oo la hadlay saxaafadda markii uu dilku dhacay ayaa sheegay in labadan wiil ay qabteen saddex bilood ka hor ayna baaris ku baarayeen intii ay gacanta ku hayeen.

Sheekh Cumar wuxuu sheegay in labada wiil ay qirteen inay la shaqeynayeen DKMG ah ayna wax uga jaajuusi jireen goobaha Xarrakadu ka taliso, taasna ay keentay in lagu xukumo dil toogasho ah.

Goobjoogayaal ka mid ahaa dadkii daawanayay toogashada ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo u muuqday inay dilka u tababaran yihiin ay toogteen labada wiil, kuwaasoo markiiba goobta ku dhintay.

Ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijisay inay labadan wiil jaajuus u ahaayeen DKMG ah, mana ahan markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaab ku toogato Muqdisho dhallinyaro ay ku eedeeysay inay basaas u ahaayeen dowladda KMG ah iyo Itoobiya iyo Mareykanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya