Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland ayaa xilalka ka qaaday Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo uu ku jiro Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isla markaana u magacaabay Garsoorayaal cusub.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, waxa uu Axmed-Siilaanyo maanta wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday Garsoorayaashaas, isaga oo isla maanta u gudbiyay labada Gole Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida, si ay sharciyan u ansixiyaan.
Madaxweynaha oo sababaynaya sababta xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu wareegtadaa ku yidhi, “Madaxweynuhu , Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu,
Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta,
Markuu Yaqiinsaday: In Gudoomiyaha Maxkamadda Sare aanu wadi Karin dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay. Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda ee ku taariikhaysan 10/04/2011, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Garsooreyaasha iyo Guddida Cadaaladdu. Markuu Arkay: Deraasada iyo u kuur-galkii uu La-Taliyaha Madaxweynuhu ee Arrimaha Nabadgelyadu ku soo bandhigay xaaladda maxaabiista jeelasha dalka garsugayaasha ku ah iyo duruufahooda kala duwan oo muujinaysay cadaalad darrada baahsan ee wadanka ka jirta.
Wuxuu Go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Gudoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ka qaado Mudane, Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).”
Dhinaca kale, Axmed-Siilaanyo wuxuu xilkii ka qaaday Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, isaga oo magacaabay kuwo cusub, mar uu ka hadlayay sababta xil-ka-qaadistooda iyo Garsoorayaasha uu xilka ka qaaday waxa uu yidhi, “Markuu Yaqiinsaday: In loo baahanyahay firfircooni iyo dhiig cusub lagu soo kordhiyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare oo ka qayb qaadanaya dib-u-dhiska Garsoorka iyo sugidda Cadaaladda ee uu Qarankani u baahanyahay.
Wuxuu Go’aansaday
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Shawqi Cilmi Cali.
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Xuseen Khayre.
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Axmed Diiriye Qaalib.
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cabdi Cilmi Xasan.
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamed Yuusuf Caynaan.
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Cismaan Ismaaciil Axmed.
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Sh. Maxamed Cabdi Naleeye.
- In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Garsoore ka qaado Mudane, Maxamuud Xirsi Faarax,”
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland wuxuu wareegtadaas ku sheegay Garsoorayaasha uu xilalkaa u magacaabay, si ay u buuxiyaan, “..Markuu Arkay: Baahida loo qabo in loo magacaabo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Qaranka, markuu Arkay: Khibradooda iyo waayo aragnimadooda ay u leeyihiin xirfadda Garsoorenimo, Markuu isku Qanciyey: In ay hanan karaan xilka iyo waajibaadka Garsoorenimo.
Wuxuu Go’aansaday
- In Mudane, Axmed Xuseen Dirir, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.
- In Mudane, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.
- In Mudane, Cabdiraxmaan Madar Caraale, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.
- In Mudane, Cabdiraxmaan Sh. Saalax Maxamed, u ahaado Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.
- In Mudane, Maxamed Cumar Geele, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.
- In Mudane, Yaasiin Xasan Ismaaciil, oo dib loo magacaabo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Qaranka JSL.”
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Talaadadii laga soo gudbay qiray in Somaliland ay ka jirto caddaalad-darro baahday, waxaanu sheegay in uu wax ka qaban doono.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland