Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada Somaliland u gudbiyay qodob ka mid ah talooyin ay soo jeediyeen Guddidii ka-talo-bixinta furista Ururada Siyaasadda, kaas oo la xidhiidhay wax-ka-bedelka Xeerka Axsaabta siyaasadda.
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka hadlayay furitaanka Dhisme cusub oo loo dhisay Golaha Wakiilada oo uu xadhigga ka jaray, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in Go’aankii Ururada Wax-ka-beddalkiisa iyo in kaabis lagu sameeyo waan idiin soo gudbiyey, waanad ogaydeen in muddo ah inaan Guddi u saaray oo ay dood badani ka taagnayd, gudidii waxay soo waraysatay Shacbiga oo dhan, iyaga oo soo sameeyey qiimayn fara badan, waxaanay soo jeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furo,” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sidii dhaqanka ahayd Go’aankaas Axsaabta waa in wax ka badal lagu samaynayo xeerarka nidaanka Asxaabta, waanan idiin soo gudbiyey INSHA ALAAH waxan rajaynaa inaydun waajibkiina ka gudan doontaan.”
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland