Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Dooni laga leeyahay dalka Masar iyo 21-shaqaale ah oo la socday oo 10-bilood gacanta ugu jirtay kooxaha burcadbadeedda ah ayaa la sii-daayay, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar Jimcihii shalay.
Doonidan oo ahayd nooca kalluumeysiga oo aan magaceeda la sheegin ayaan la ogeyn in madaxfurasho lacageed laga bixiyay iyo in kale, waxaana la afduubay bishii Ogoosto ee sannadkii lasoo dhaafay.
"Xukuumadda Bakistaan ayaa gacan ka geysatay sii-daynta doonidooda muddada dheer gacanta ugu jirtay burcadbadeedda Soomaalida," ayaa lagu yiri war laga soo xigtay Maxamed C/xakiim oo ka mid ah saraakiisha xukuumadda Masar oo laga baahiyay wakaaladda wararka Masar ee MENA.
C/xakiin, ma sheegin in madaxfurasho laga qaatay doonida iyo in kale, sidoo kale kama uusan hadlin xaaladda shaqaalaha doonidaas la socday oo 11 ka mid ah ay u dhasheen dalka Masar, lix Hindi ah, afar Bakistaaniyiin ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Sirilaanka.
Sii-daynta doonidan ayaa imaanaysa iyadoo burcadbadeedda Soomaalida ay kusii daayeen markab laga leeyahay dalka Jarmalka Khamiistii lasoo dhaafay 5.7-Milyan Dollar, kaasoo ka mid noqonaya tiro maraakiib ah oo madaxfurasho lagu sii daayay labadii todobaad ee ugu dambeeyay.
Tallaadan ayaa kusoo beegatay iyadoo markab dagaal oo laga leeyahay Denmark kana mid ah maraakiibta la dagaalanka burcadbadeedda ugu sugan biyaha dalka Soomaaliya uu 24-burcadabdeed Soomaaliyeed ah maanta ku wareejiyay Kenya si maxkamad loosoo taago.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya