Kulan lagu soo dhoweynayay howl-galkii lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika oo Muqdisho lagu qabtay


Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Kulan ay soo agaasintay hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD laguna soo dhoweynayay howlgalkii ciidamada DKMG ah ay toddobaad ka hor ku dileen hogaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo qaybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha dallada ururada bulshada deegaannada Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax oo kulanka furay ayaa sheegay in bulshada rayidka ah ay soo dhaweynayaan dilkii Fazul Cabdalla Maxamed.

"Waxaa soo dhoweyneynaa howlgalkii lagu dilay Fazul oo khatar ahaa, waxaa la yiri God iyo Abeeso labo bahal waaye, horay waxaa loo dilay Usama Bin Laden haddana Fazul oo ahaa nin caalamku raadinayay ayaa ciidamada dowladdu dileen, taasina shafar ayay u tahay maadaama ay dileen nin 13-sano uu caalamku raadinayay," ayuu yiri Muxyadiin Afrax.


Sidoo kale waxaa kulanka hadal ka jeediyay xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, wuxuuna sheegay in dilkii Fazul uu ahaa guul ay dowladdu gaartay, wuxuuna xusay in la dilay nin mas'uul ka ah fikradaha dibadda looga soo safriyay Soomaaliya.

"Guusha waxaa iska leh ciidamada DKMG ah oo suurogeliyay inay meesha ka saaraan ninkii tiirka u ahaa Al-shabaab" ayuu yiri Prof. Dalxa oo sheegay inay tahay in lasoo dhaweeyo arrintaas.

Xildhibaan Xuseen Caraale oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dilka Fazul, uu sharaf u soo jiiday dowladda Soomaaliya uuna kusoo beegmay iyadoo la dilay hoggaamiyihiisii Osama Bin Laden.

Taliyaha guutada koowaad ee aaga Bari Col. Maxamed Maxamuud Saney oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida ee kulanka ka hadlay ayaa sheegay in howl-galkaas uu yahay mid ciidamada niyaddooda sare u qaadaya, isagoo sheegay in dilka hoggaamiyahan uu ku yimid feejignaan ay ciidamada DKMG ah ku jiraan habeen iyo maalin.

"Howlgalkii lagu dilay Fazul waxay muujinaysaa dadaalka ay ciidamada DKMG ah ugu jirto sugidda ammaanka dalka, waxayna tani u tahay niyad wanaag cusub, wuxuuna ninkan ahaa nin dhibaato ku ah Soomaaliya iyo shacabkeeda" ayuu yiri Col. Saney.

Madaxa howlgelinta ciidamada Dowladda Soomaaliya ee aagga Bari Col. Gacal San-jeex oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada howlgalka lagu dilay Fazul ay ciidamada ku beereyso inay qaadaan tallaabooyin horay loogu sii socdo oo dalka oo dhan ay kaga saarayaan kooxaha kusoo duulay.


"Dilkii Fazul oo 13-sano la raadinayay niyadeena aad bay u dhistay" ayuu yiri Col. Gacal oo intaa raaciyay in ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya aysan seexan doonin illaa ay kasoo qabtaan ninka ugu dambeeya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Dallada Ururada Bulshada rayidka Ruqiyo Cali Cabdulle ayaa iyaduna sheegtay in Soomaaliya halka ay marayso ay tahay meel aad khatar u ah, iyadoo ka hadashay falalka is qarxinta, gaar ahaan waxay xustay in wax layaab ay tahay in la arko gabar is-qarxinaysa, iyadoo ku baaqday si taas looga baxo in la iska warqabo lana sameeyo wacyi-gelin, waxayna soo qaadatay in diinta Islaamka aanay qabin in qofku is-dilo.

Waxaa kaloo kulanka ka hadashay xoghayaha guud ee Haweenka Dallada Ururada Bulshada rayidka Faadumo Aadan Cosoble oo tilmaamtay in ciidamada Dowladdu ay ay la qaybsanayaan farxada, isla markaana ay ku taageerayaan howl-galkooda dib u soo celinta rajadii Soomaaliya.

"Ciidamada waxaan leeyahay waa gaarteen ee Geeddiga horay u wada, taas waxay dhiseysaa kalsoonida ka dhaxeysa shacabka iyo ciidamada, dilkii Fazul waa guul u soo hoyatay ciidamadeena" ayay tiri Faadumo Aadan.

Ugu dambeyn, xildhibaan Xasan Cali Waranto ayaa sheegay in Baarlamaanka ay soo dhoweynayaan howlgalka ay ku guuleysteen ciidamada dowladda ayna ku dileen Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyaha Bariga Afrika ee Al-Qaacida, wuxuuna ku tilmaamay in shacabka Soomaaliyed ay si niyad leh ku soo dhoweynayaan.