
Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Jaamacad Hiiraan (Hiran University) ee muddo sanad ka hor ah laga hergaliyay magaalada Beledweyne ee xarunta u ah goballka Hiiraan ayaa Ardeyda wax ka barta waxaa ay soo gabagabeeyeen wajigii koowaad ee waxbarashada Jaamacada, iyaga oo soo gabagabeeyay Imtixaanka sanadkii koowaad ee Jaamacada Hiiraan.
Ardeyda Itixaankan u fariisatay oo kuliyadaha Shareecada Islaamka, Computer Science-ka, iyo Kuliyada Nursinka, kuwaasoo u sheegay HOL in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu u soo dhamaaday sanadkii koowaad waxbarasho heer Jaamacdeed ah.

Maamulka Jaamacada oo sidoo kale la hadllay HOL ayaa sheegay in waqtigan wixii ka danbeeya Jaamacadu gali doonto fasax dhan Labo bilood, iyada oo dib loo furi doono bisha Sept, ee sanadkan 20011-ka, markaa oo ay Jaamacadu qaadan doonto Ardey cusub, gaar ahaan kuwa ka soo qalan jabiya dugsiyada sare ee magaalada Beledweyne.
Sidoo kale waxaa uu sheegay maamulka in marka dib loo furo Jaamacada lagu soo kordhin doono Kulliyada Macalimiinta oo lagu baran doono maadada Science-ka oo kaliya oo lagu baran doono Chimestryga,Physics-ka, Biologyga, iyo Math-ka, taasoo siweyn looga faa’ideysan doono.
Jaamacada Hiran University oo dhawaan uun laga hergaliyay magaalada Beledweyne ayaa durbaba waxaa ka faa’idyesanaya Ardey aad u badan oo markii hore waxbarasho heer Jaamacadeed ah u raadsa jiray goballada Banaadir iyo W/qooyi Galbeed, hasse ahaateen hadda fursad u hellay in marka ka soo baxaan dugsiyada sare ee magaalada markiiba ku biiraya Jaamacada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya