Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Maxkamad gobolka Banaadir ayaa xabsi iyo ganaax lacageed ku xukuntay lix qof oo shisheeye ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyagoo lacag gaaraysa 3.6-milyan dollar isugu wareejinayay diyaarado yar-yar oo ay la socdeen, iyadoo sidoo kalena ay maxkamaddu xukuntay in DKMG ah ay la wareegto lacagtii iyo diyaaradaha.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo saxaafadda la hadlay xukunka kaddib aya sheegay in labada nin ee watay lacagta lagu xukumay min 15-sano o xabsi ah iyo 15-kun oo dollar oo ganaax lacageed, sidoo kelana labadii duuliye iyo laba qof oo caawiyeyaal u ahaa iyagana lagu xukumay min 10-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 10-kun oo dollar midkiiba.
Xukunka oo baqonimadii maanta soo gabagaboobay ayuu guddoomiyuhu sheegay inay labada qof ee lacagta watay ay sheegeen inay u wadeen kooxo burcadbadeed ah si ay u sii daayaan maraakiib ay haysteen.
"Maxkamaddu waxay go'aamisay in lacagta, diyaaradaha iyo qalabka saaran lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya," ayuu yiri Xaashi Cilmi oo sharraxayay go'aanka dowladda ee ku aaddan lacagta kaashka ah iyo diyaaradaha.
Lixdan qof ee xukunka lagu riday ayaa saddex ka mid ah waxay u dhasheen dalka Ingiriiska, labana dalka Kenya iyo qof Mareyan ah, iyadoo la sheegay in qareenno u doodayay raggan ay maxkamadda ku sugnaayeen markii uu xukunka ku dhacayay.
Dadkan xukunka lagu riday ayay ciidamada ilaalada garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay qabteen dhammaadkii bishii lasoo dhaafay, waxayna tan iyo xilligaas lixdan qofi ku xirnaayeen xabsiga ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka ayaa ugu dambeyn sheegay in maxaabiista la xukumay loo ogol yahay inay xukunka rafcaan ka qaataan, balse aan loo ogoleyn inay xarigooda iibsadaan.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa bishii Janaayo ee sannadkan xukunno noocan oo kale ah ku ridday 14-qof oo Hindi ah iyo haweeney Soomaaliyeed kuwaasoo lagu eedeeyay inay si sharci-darro dalka uga dhoofinayeen dhuxul, iyadoo maalintii xigtay ay iibsadeen xarigooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya