Cali Cabdalla Saalax oo dib ugu laabanaya Yemen, kaddib markii dalka Sucuudiga looga daweeyay dhaawac soo gaaray

Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Saraakiil u hadlay dowladda Yemen ayaa sheegay in madaxweynaha dalkaas Cali Cabdalla Saalax uu qorsheyanayo in maalmaha soo socda dib ugu laabto dalkiisa, kaddib markii looga daweeyay dalka Sucuudiga dhaawac khatar ah oo kasoo gaaray duqeyn loo geystay xarunta madaxtooyada horraantii bishan.

Madaxweyne Saalax ayaa wuxuu dhaawac halis ah kasoo gaaray laba madfac oo kooxaha dowladdiisa kasoo horjeeda ay ku duqeeyeen madaxtooyada 03-dii bishan Juun, waxaana sidoo kale duqeyntaas ku dhaawacmay saraakiil uu ku jiro afhayeenkii baarlamaanka, iyadoo ay ku dhinteen 11-qof oo kale.

Xoogagga mucaaradka ah ee dalka Yemen oo dibadbaxyo kawada caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ayaa ku baaqay in la dhiso dowlad KMG ah oo badasha dowladda jirta, inkastoo taageerayaasha madaxweyne Saalax ay iyaguna ku baaqayaan in madaxweynuhu uu soo laabto uuna howsha sii-wado.

Sarkaal sare oo u hadlay xisbiga talada haya oo lagu magacaabo Yaasir Al-Yamani ayaa warbaahinta u sheegay Jimcihii shalay inay wadaan qabanqaabo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha Yemen.

"Wuxuu kusoo laabanayaa dalkiisa kaddib markii ay daweyntu u dhammaantay," ayuu yiri Al-yamani oo intaas ku daray: "Xaaladdiisa caafimaad aad ayay u soo wanaagsanaanaysaa."

Sidoo kale, warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyada dalkaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu si maalmaha soo socda dib ugu soo laabanayo dalka iyo howshiisa.

Dhanka kale, saraakiisha dalka Sucuudiga oo ayaa sheegay in madaxweynaha Yemen uu dhameystay daweyntii uuna ku jiro jir-dhig, uuna awoodo inuu dib ugu laaban karo howshiisa, waxaana saraakiishan oo magacyadooda qariyay ay sheegeen inuu qorsheynayo inuu dalkiisa ku laabto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya