Sabti, June 18, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan kula yeeshay shalya gallinkii dambe waxgaradka Muqdisho iyo ururrada bulshada rayidka ah, isagoo kala hadlay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen xasilinta magaalada Muqdisho.
Mudane Shariif oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa diiradda saaray dibadbaxyadii ka dhacay Muqdisho kuwaasoo uu ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo lagu duminayo Qaranka, wuxuuna waxgaradka iyo ururrada bulshada ugu baaqay inay gacan ka geystaan si aanay dibadbaxyo kale uga dhici lahayn Muqdisho.
Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa shacabka Muqdisho dhigeen dibadbaxyo ay ku diiddan yihiin heshiiskii Kampala oo ay saxiixeen Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, laguna taageerayay xukuumadda KMG ah iyo ra'iisul wasaare Farmaajo.
Xubnaha kulanka la qaatay madaxweynaha oo qarkood goobta ka hadlay ayaa sheegay inaysan raalli ka ahayn in dalka uu dib ugu laabto dowlad la'aan, ayna gacan ka geysan doonaan daminta xiisadaha jira.
Intaas kaddib, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si kooban uga hadlay heshiiskii ay ku gaareen Kampala isaga iyo guddoomiyaha baarlmaanka isagoo ku baaqay in heshiiskaas la meel mariyo.
Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay heshiiska mid ay ku xallinayeen khilaafaadyadii u dhexeeyay hay'adaha dowladda KMG ah, wuxuuna rajo ka muujiyay fulinta qodobbada heshiiskaas oo aan si wanaagsan looga arkay gudaha dalka Soomaaliya.
Qodobbada heshiiskaas ayaa waxaa ka mid ah in xilliga xukuumadda KMG ah lagu daro hal sano oo dheeraad ah iyo in ra'iisul wasaaraaha Soomaaliya uu is-casilo, balse ra'iisul wasaaraha ayaa kasoo horjeestay go'aankaas sheegay in xil ka tegistiisa ay ku xiran tahay baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya