
Arbaco, December 28, 2011 (HOL)-Sirdoonka Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa sheegay inay qabteen qalab la doonayey in meelo kala duwan lagu qarxiyo.
Taliyaha Hoggaanka Sahanka ee ciidanka Milatariga Somaliland Maxamed Cabdi Cali ayaa sheegay inay xalay qabteen qalab kuwa qarxa ah oo laba nin wateen, kuwaas oo doonayey inay ku qarxiyaan meelo muhiim ah oo uu ku jiray Buundada labaad ee magaalada Hargeysa.
“ Xalay waxa askari sirdoonka ciidanka qaranka ahi soo daba galay nin jilbaabka dumarka xidhan, kaas oo marka uu marayo Buundada magaaladda Hargeysa meel u dhow oo u dhexeysa Dooxa iyo Guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayuu dhigay qalabkii, kaddibna telefoon ayuu ku hadlay isagoo erayo ay isku fahmayaan cidda uu la hadlay ku hadlay” ayuu yidhi, waxa uu intaas ku daray “ waxa u yimid nin kale, waxa markii dambe ninkii askariga ahaa ku riday xabad balse way baxsadeen waxaanu ka reebay qalabkii ay sideen” sidaas waxa yiri Maxamed Cabdi hoggaanka Sahanka ee Ciidanka Milatariga Somaliland.
Inkastoo aan raggii sitay la qaban haddana waxa lagu guuleystay in walxahan qarxayey la qabto, waxaanu sarkaalku sheegay in haddii la qarxin lahaa walxahan ay dhul balaadhan burburin karaysay, dhulkaasi oo gaadhaya Buundada magaalada ilaa guriga Madaxweyne ku xigeenka oo waxyar uun u jiray halka lagu aasi lahaa walxahan qarxa ee raggaasi siteen.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland