
Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Dowladda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa u soo dirtay Soomaaliyeed markab ay ku raran tahay shixnaddii 21-aad oo gargaar bani'aadamnimo ah, si loogu dadka ay saameynta xooggan ku yeesheen abaarihii ku dhuftay Soomaaliya.
Hay'adda bisha cas ee dalka Iiraan ayaa sheegtay Talaadadii shalay in markabka sida gargaarka bani'aadamnimo uu kasoo furtay dekedda magaalada Bushehr oo ku taalla koonfurta Iiraan uuna kusoo wajahan yahay Soomaaliya.
Shixnadda uu markabku sido ayaa waxaa ka mid ah 3,000 oo gargaar baakadeysan ah iyo 800 oo teendho. Iyadoo hay'adda bisha cas ay sheegtay in gargaarkan laga soo ururiyay shacabka Iiraan, xukuumadduna ay dhaqaale ku dartay.
Waddamada bariga Afrika sida Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa ku dhuftay abaaro daran, iyadoo la sheegay in abaarta ku dhufatay Soomaaliya ay tahay middii ugu xumayd muddo 60-sano ah.
Abaarahan ayaa waxay dileen tobannaan kun oo qof, sida uu sheegay Mark Bowden oo ah xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dhimashada ay abaaruhu sababeen ay kordhi karto.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weli ay macluushii laga dhaxlay abaruhu ka jiraan deegaannada loo barakacay ee u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye iyo weliba kaamamka Muqdisho, inkastoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu diiday inay ka jirto Muqdisho iyo hareeraheeda macluul.
Dowladda Iiraan ayaa waxay ka mid tahay dowladaha u soo gurmaday Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen, waxaana ka mid ah dalalkaas Turkiga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya