Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Wararka aynu ka heleyno Jaziiradda Kudhaa ee koonfurta gobolka J/hoose ayaa sheegaya in xoogaga Alshabaab ay dad badan ka qabqabteen gudaha deegaanka Kudhaa, kuwaasoo ku eedeysan in ay ku luglahaayeen duqeymihii dhawaan ka dhacay Jaziiradaasi.
Dadka la qabqabtay oo u badan dhalinyaro ayaa ku eedeysan in ay hagayeen diyaaridihii duqeymaha isxigxigay ka geystay Jaziiradda Kudhaa, waxaana dhamaantood loo taxaabay Xabsi ku yaalay deegaanka Kudhaa ee gobolka J/hoose.
Masuul ka tirsan Al-shabaab oo isagu ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in dhalinayrada manta laga qabqabtay gudaha Jaziiradda Kudhaa loo gudbiyay xabsi ku yaal halkaasi, waxaana uu xusay in ay ku socdaan baaritaanno la xiriira dambiyada loo heysto.
Howlgallada ay xoogaga Alsahabaab ay manta ka sameeyeen Jaziiradda Kudhaa ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan diyaarado ay leedahay dowladda Kenya ay duqeymo isixigxigay ka geysteen Jaziiradda Kudhaa oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Alshabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya