Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Dowladda KMG ay ilaalinayso Ammaanka Suxufiyiinta ka Howlgala Muqdisho


Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumadda KMG Soomaaliya ay ixtiraamayso madax-bannanida saxaafadda iyo xorriyadda hadalka sidoo kalena ay ilaalinayso ammaanka suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho, kaddib kulan uu shalay oo Talaado ahayd kula yeeshay xarunta madaxtooyada guddi suxufiyiin ah oo kala hadlayay dilkii wariye C/salaan Xiis.

Sheekh Shariif oo ugu horreyn tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum C/salaan Xiis, wuxuuna intaas ku daray in DKMG ah ay waddo baritaanno ku aaddan ciddii falkaas dilka ah ka dambeysay, lana horkeeni doono cadaaladda.

"Waxaa socda baaritaan, markii la dhameystiro waxaa cid walba oo ay ku caddaato la horgeyn doonaa cadaaladda," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif oo hadalkiisa ku dary in loo baahan yahay in bahda saxaafaddu ay sugaan inta uu dhammaanayo baaritaanka socda.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale yiri: "Xukuumadda Soomaaliya waxay ilaalinaysa ammaanka iyo nabadgalyada suxufiyiinta shaqeysa, iyadoo dhowraysa xorriyadda hadalka iyo saxaafadda."

Guddiga suxufiyiinta ah ee la kulmay madaxweynaha ayaa waxay codsadeen in laga shaqeeyo sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa gacan ku dhiiglihii dilay wariye Xiis iyo intii ka dambeysay, iyagoo sheegay in taasi ay dajin karto niyadda wariyeyaasha ka careysan dilkaas.

Kulanka dhexmaray madaxweyne Sheekh Shariif iyo guddiga suxufiyiinta ah ayaa yimid kaddib markii suxufiyiinta ay dibadbax ka horsameeyeen illlinka madaxtooyada Axaddii lasoo dhaafay iyagoo codsanayay in madaxweynaha ay kala hadlaan dilkii loo geystay wariyah.

Marxuum C/salaan Sheekh Xasan Xiis ayaa 22-kii bishan waxaa mid ka mid ah askarta dowladda KMG ah uu ku dilay degmada Xamarjajb isagoo ku jiray howshiisa saxaafadeed, wuxuuna noqonayaa wariyihii afaraad ee sannadkan 2011 lagu dilo gudah Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya