Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Kulan balaadhan oo ay iskugu yimaadeen maamulada gobolada Awdal, Gabiley iyo laba gobol oo ismaamulka soomaalida ee Itoobiya ka socda ayaa ka dhacay magaaladda Gabiley ee gobolka Gabiley.
Shirkan ay gobolada jaarka ah ee labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland ee Xuduuda wadaaga yeesheen ayaa ku saabsanaa mid amniga lagu adkaynayo, isla markaana ay xoggo isku waydaarsanayaan.
Shirkan waxa ka soo qaybgalay madaxda gobolada iyo taliyeyaasha booliska ee gobolada Gabiley iyo Awdal oo Somaliland ah iyo Aw Bare iyo Qarbibayax ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo shir lagu tilmaamay inuu yahay mid lagu xoojinayo amniga iyo nabadgalyada gobolada dariska ah ee xuduud wada.
Shirka waxa warbixino iyo ujeedada shirkan warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobolka Gabiley Mr: Cabdi Aadan Meecaad oo isagu martigaliyey shirkan, waxanu sheegay inuu shirkani yahay mid lagu adkaynayo isla markaana lagu xoojinayo nabadgalyada gobolada oodwaaga ah ee Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo uu xusay inay xuduudo wada wadaagaan.
"Waxaanu halkan ku soo dhoweynaynaa weftiga inooga yimid kililka shanaad ee Itoobiya, waxaana filayaa in kulankeenu inoogu dhamaan doono si khayr ku jiro, muhiimada ugu weynina waa sidii aynu iskala-kaashan lahayn arrimo badan oo inaga dhexeeya oo ay kow ka tahay nabadgalyaddu," ayuu yidhi badhasaabka gobolka Gabiley Mr: Cabdi Aadan Meecaad oo kulankaasi ka hadlayey.
Shirkan ayaa kii ka horeeyey ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana inta badan kulamadan iskugu yimaada gobolada jaarka ah ee Somaliland iyo Itoobiya, kuwaas oo ka hadlay qaabka loo adkayn lahaa amniga labadooda dal ka dhexeeya.
Gobolada Awdal iyo Gabiley ayaa xuduud la wadaaga Kililka Shanaad ee Itoobiya, kuwaas oo inta badan shirar gaar gaar ah ka yeesha arrimaha amniga labada dal.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland