Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Wararka ka soo baxaya deegaannka Kala-beyr oo qiyaastii 25-km u jira magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu halkaa ka dhacay qarax ka dhashay nooca miinada dhulka lagu aaso.
Sida ay HOL u sheegeen dad xog-ogaal ah qaraxa ayaa ka dhacay goob bar-koontarool ah oo lacagaha looga qaado gadiidka isaga kala goosha magaalada Beledweyne iyo gobollada kale ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana inta la og-yahay la sheegay in uu qaraxaasi ku dhawaacmay mid ka mid ah saraakiisha xoogagga fadhigoodu yahay deegaannka Kala-beyr.
Deegaannka kala-beyr ayaa fariisin rasmi ah waxaa ku leh n maamulka Dooxada Shabeelle ee sida weyn uga soo horjeeda xarrakada Shabaabul Mujaahidiinta ee inta badan gobolka gacanta ku haya.
Markii uu qaraxu dhacay kadib ayaa la sheegay in ay baaritaano bilaabeen ciidamada halkaa ku sugan, laakiin ilaa hadda lama sheegin cid loo qabtay ama loo xiray qaraxa halkaa ka dhacay.
Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamlka xarrakada Mujaahidinta Al-shabaab oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaannka Kala-beyr ee gobollka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya