Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taagan yahay tartanka xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu isbedel ku sameyn doono haddii uu ku guuleysto xilka.
Mudane Sheekh Nuur Cali Aadan oo horay u ahaa wasiirka cadaaladda iyo garsoorka DKMG ah ayaa sheegay inuu rajeynayo in xilkaan uu ku guuleysan karo, isagoo ka dalbaday xildhibaannada baarlamaanka inay doortaan.
"Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan ahay murashax u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya," ayuu ku sheegay shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay isagoo intaas ku daray: "Haddii la i doorto howlaha baarlamaanka wax badan ayaan ka bedeli doonaa."
Xildhibaan Sheekh Nuur ayaa wuxuu kasoo jeedaa beelaha digil iyo mirifle iyadoo la sheegay in doorashada lagu saleynayo nidaamka beeleed ee 4.5-ka ah, isagoo ka mid ah guddiga doorashada ee dhawaan ay sameeyeen xildhibaannadii xil ka qaadista ku sameysay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Dhawaan ayay ahayd markii 280-xildhibaan oo kulan ku yeeshay golaha shacabka ay codka kalsoonida u qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu dayacay howlihii baarlamaanka.
Guddi ay mudanayaashan xuleen ayaa kulammo la yeeshay madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, balse waa lagu guuleysan waayay in khilaafka baarlamaanka u dhexeeya xal laga gaaro.
Afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa isagu ku adkeysanaya inuu yahay guddoomiyaha baarlamaanka, xil ka qaadista lagu sameeyayna ay tahay mid aan sharci ahayn oo lagu fududaaday, isagoo ka digay sii socoshada arrintan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya