Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa qisaas ku fulisay mid ka mid ah ciidamadooda ammaanka oo ka howlgalayay degmada Kurtun-waarey ee gobolka Shabeellada hoose, kaddib markii la sheegay inuu dil u geystay qof rayid ah.
Maxkamad hoostagta Al-shabaab ayaa xukunka ku ridday askariga la dilay iyadoo lagula fuliyay xukunka isla goobtii lagu saaray maxkamadda, waxaana fulinta xukunka goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Shabeellada hoose ee Al-shabaab Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla.
"Qof walba oo fal dambi ah ku dhaca, askari iyo mas'uul noocuu doono ha ahaado waxaa lagu fulinayaan xukunka uu muteysatay, mana jirto cid loogu turayo sharciga," ayuu yiri Sheekh Abuu-Cabdalla oo la hadlay boqolaal dad oo ku sugnaa halka xukunku ka dhacay.
Sidoo kale, waaliga Al-shabaab ee Shabeellada hoose wuxuu sheegay inay meel sare gaartay cadaaladda, qof walba oo dambi galana uu sharciga muteysan doono, isagoo uga digay ciidamada maamulka iyo shacabka inay falal dambiyeedyo ku dhacaan.
Lama sheegin magaca askariga lagu fuliyay falka qisaasta ah ee ka tirsanaa xoogaga amaanka ee gobolka Shabeellada hoose ee Xarakada Al-shabaab, iyadoo markii la dilay maydkiisa goobta laga qaaday.
Maa ahan markii ugu horeysay oo ay Al-shabaab toogasho ku filiyaan rag ka tirsan xoogagooda oo lagu eedeeyay inay galeen falal dambiyeedyo dil ah, waxaana jira kuwo kale oo lagu fuliyay xukunno kale, kaddib markii ay dambiyo ku dhaceen.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab ayaa iyaduna dilal noocan oo kale ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamadeeda oo lagu eedeeyay inay geysteen dambiyo isugu jira dil iyo kufsi.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya