Xukuumadda Turkiga oo Muqdisho ka billowday qodista Ceelal Biyoodyo


Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Wakaaladda howlaha biyaha ee dalka Turkiga ayaa ka billowday Muqdisho Arbacada maanta ah qorshe ay ku qodayso ceelal biyoodyo, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Turkiga.

Howshan ayaa waxaa qabanaya toddoba aqoonyahan oo ka tirsan wakaladda biyaha Turkiga, kuwaasoo uu hoggaaminayo Musa Yilmaz oo bartay cilmiga baarista macdanta, iyagoo ka bilaabay meel ku dhow xarunta hay'adda bisha cas ee Turkiga ay ku leedahay Muqdisho qodidda ceel-biyo.

Khuburada Turkiga ah waxay sheegeen in ceelka uu dhirirkiisu noqonayo 100 mitir oo dhulka gudihiisa ah, iyagoo intaas ku daray in howshan ay ku dhameyn doonaan muddo hal toddobaad ah.

Dowladda Turkiga ayaa waxay howlo gargaar ka billowday Soomaaliya bishii Ogoosto ee sannadkan, markaasoo ra'iisul wasaaraha Turkiga uu booqasho taariikhi ah ku yimid Muqdisho, uuna sheegay in dalkiisu uu caawinayo Soomaalida.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaartii ugu xumayd muddo 60-sano ah, taasoo keentay in dad badan ay deegaannadoodii uga soo cararaan abaarahaas ayna soo gaaraan Muqdisho si ay u helaan gargaar cunno ah.

Mashaariicda ay Turkigu ka wadaan Muqdisho ayaa waxay isugu jiraan kuwo lagu dhisayo isbitaallo, kuwo lagu dhisayo goobo lagu xannaaneeyo caruurta, gargaar lagu qaybinayo cunno iyo howlo kale oo dhinaca samofalka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya