Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo booqday Dekedda iyo Suuqii gubtay ee Boosaaso


Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Dr C/weli Maxamed Cali oo uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland ayaa maanta booqday dekedda Boosaaso, isbitaalka Bandar-qaasim oo dhawaan laga hirgeliyay magaaladaas iyo suuqii Boosaaso ee gubtay.

Ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland ayaa waxay u kuurgaleen xaaladda dekedda Boosaaso, iyadoo ra'iisul wasaaruhu uu sheegay in dowladda KMG ah ay qayb ak qaadan doono dib u habeynta dekedda.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ku jiraan wasiirada difaaca iyo ganacsiga iyo warshadaha ayaa booqdeen suuqa Boosaaso oo bishan gudaheeda gubtay, iyagoo duqa Boosaaso oo warbixin ka bixinayay suuqa uu sheegay inay socoto qiimeyn lagu sameynayo hantidii ku baaba'day.

Magaalada Boosaaso ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay intii ay booqashadu socotay, waxaana ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha la socday ay tageen isbitaal si gaar ah loo leeyahay oo lagu magacaabo Bandar-qaasim, kaasoo ay u kuurgaleen xalaaddiisa.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxay shalay gaareen Boosaaso kaddib markii ay safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxeen degmada Garoowe ee xarunta Puntland oo ay uga qaybgaleen shirkii watashiga dhinacyada Soomaalida.

Weli lama oga inta casho ee uu qaadanayo safarka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ay ku joogaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaasoo ay dhawaanahan ka dhacayeen qaraxyo ay ku dhinteen askar ka tirsan Puntland.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya