Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Qaar ka mid ah dhaawacyadii ka dhashay shil gaari oo xalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku dhintay isbitaallada Madiina iyo Banaadir oo ku yaalla degmada Wadajir, iyadoo dhaawacyo kale oo aad u daran ay ku jiraan isbitaalladaas.
Illaa lix qof oo ka mid ah dhaawacyadii ka dhashay shilka ayaa ku dhintay labada isbitaal iyadoo agaasimayaal u hadlay isbitaallada ay sheegeen in dadka dhintay ay dhaawacyadood ahaayeen kuwo halis, taasna ay keentay inay geeriyoodaan markii gargaarka caafimaad loo fidiyay awgood.
"Isbitaalka waxaa la keenay dhaawacyada 42-qof oo qaarkood ay xaaladdoodu aad u daranayd, afar ka mid ah oo midi uu qabay dhaawac halis ah ayaa ku dhintay isbitaalka," ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf Xasan oo ah agaasimaha isbitaalka Madiina.
Agaasimuhu wuxuu sheegay in dhaawacyada haray ay qaarkood daran yihiin, balse ay dadaal ugu jiraan sidii ay daweyn lahaayeen, isagoo xusay in 20-qof oo ka mid ah dhaawacyadii lasoo gaarsiiyay dib loogu celiyay guryahooda markii daweyn loo sameeyay.
Sidoo kale, Luul Maxamed Maxamuud oo ka mid ah howlwadeennada isbitaalka Banaadir ayaa sheegtay in laba qof oo dhaawacyo qaba ay ku dhinteen isbitaalka, halka horay loo keenay laba qof oo dhimasho ah, iyadoo sheegtay in dhaawacyada loo keenay ay ku jiraan kuwo khatar ah.
Dadka ku dhaawacmay iyo kuwii ku dhintay shilkii baabuur ee shalay dhacay ka dhacay jidka Maka Al-mukamara ayaa waxay ahaayeen dhallinyaro da'doodu aad u yar tahay kuwaasoo taageerayaal u ahaa kooxda kubadda cagta ee Wadajir oo looga badiyay ciyaar semo-filan ahayd.
Dhaawacyada ku haray isbitaallada Banaadir iyo Madiina ayaa waxaa qaarkood yihiin kuwo halis ah, iyadoo ay muuqdaan dhaawacyo jirka ah oo aad u daran sida kuwo ay jajab kasoo gaareen inta badan lafaha jirkooda ku jira.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya