Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Eng: Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka jawaabay eedo musuqmaasuq oo lagu eedeeyey, isla markaana cadeeyey in aanay arrintaasi waxba ka jirin.
Wasiirka ayaa sheegay in wasiirka maaliyadu u soo jeediyey eeddo musuqmaasuq, isla markaana dhawr meelood uu wasiirkaasi ka sheegay inuu lunsaday lacag ay shirkado ajanabi ah wada galeen, waxaanu eedaas ku tilmaamay inay tahay fal dambiyeed weyn, waxaanu sheegay in khilaafkani soo shaacbaxday shirkii golaha wasiiradda ee toddobaadkii hore ka dib markii uu sida uu sheegay wasiirka Maaliyaddu madaxweynaha ka dacweeyey wasiirka Macdanta biyaha.
Wasiirka Macdanta iyo biyaha Ducaale ayaa maanta arrintaasi iska difaacay, kuna tilmaamay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, waxaanu sheegay in uu madaxweynuhu amar ku bixiyey in Hanti dhawraha guud baadho eedahaasi, isla markaana uu Hanti dhawrihi soo saaray in aanu wasiirku wax lacag ah lunsanin.
Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in heshiish hore oo dawladii hore ee Daahir Rayaale la samaysay labadan shirkadood ee macdan baadhis ah ay iyagu wax ka bedel ku sameeyeen, isla markaana heshiish cusub la samaysteen, waxaanu xusay inay bixiyeen wax uu ku tilmaamay xaqal Qalin oo ah mid lagu tayeynayo wasaarada iyo shaqaalaha, lacagtaasna uu ku shubay baanka Dhexe ee Somaliland, balse aanay jirin lacag uu Akoon gaar ah ku shubtay, waxaanu tilmaamay in wasiirka Maaliyadu ku eedeeyey in lacagtaasi uu akoon gaar ah ku shubtay, haseyeeshee aanay arrintaasi waxba ka jirin.
"Lacagta laga hadlayaa waa lacag lagu tayeynayo wasaarada oo laba sanadood isa soo gaadhay oo boqol kun oo shirkad ka timid iyo 75,000 oo shirkada kale ka timid, waxayna lacagtaasi ku dhacday Bangiga dhexe ee Somaliland, Akoon gaar ah oo aan ku shubtay ma jirto, waxay ku qabanayso wasaaradu waa hawl wasaaradda u yaalla" ayuu yidhi wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland Mr: Ducaale.
Dhinaca kale, waxa isaguna arrintaasi ka hadlay Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud dheere), waxaanu sheegay inuu baadhitaan ku sameeyey lacagtaasi, isla markaana aanay jirin wax musuqmaasuq ah oo uu sameeyey wasiirka Macdantu, lacagtaasina ay martay halkii loogu talogalay.
"Markii aanu baadhis samaynay waxa aanu ogaanay in ay baanka ku jirto $ 50,000 dolar, intii kale waxay ku baxdayna waanu helnay, waxayna ahayd mid waafaqsan heshiis lala galay labada shirkadood ee kala ah AZTANA OIL iyo OPHIR OIL, markaa lacagtaasi xisaabteedu si fiican ayay ku dhamaatay" ayuu yidhi Hanti dhawraha Guud.
Lacagtan uu hanti dhawruhu sheegay inay wasaarada macdanta ku baxday sidii loo qorsheeyeyna ku baxday ayaa waxa diiday wasiirka Maaliyada oo arrintaasi ku tilmaamay sharci daro maadaama oo uu xusay inay ahayd in lacagtaasi ay toos ugu dhacdo Qasnada dawladda, isla markaana ay ka muuqato miisaaniyadda sanadka, oo wasaaradu waxay u baahan tahay ku darsato miisaaniyada ay soo qoronayso, iyadoo cadaynaysa waxay rabto inay lacagtaasi ku qabsanayso.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland