Dumar Taageerayaal u ah Ururka XISBULLAH oo Xukuumadda ka dalbaday in la siidaayo Mas'uuliyiinta ururkooda

Arbaco, December 28, 2011 (HOL) − Qaar ka mid ah haweenka Reer Hargeysa ayaa taageero weyn u muujiyey guddoomiyihii urur Diimeedka XISBULLAH ee Sheekh Maxamed Geelle, kaas oo ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay.

In ka badan Kontomeeye haween ah ayaa Mudaharaad cabasho oo ay ku taageerayaan ururkooda, isla markaana ka dalbanayaan Xukuumadda Somaliland in la siidaayo masuuliyiinta ururkooda ee xidhan la hortagay wasaaradda Daakhiliga, madaxtooyadda Horteeda iyo xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee madaxtooyadda, kuwaas oo dhamaantoodba albaabka hore laga soo celiyey.

Dumarkan oo ah taageerayaasha ururkaasi ayaa warbaahinta ugu waramay meel u dhexeysa guriga madaxtooyadda iyo golaha Baarlamaanka horteedda, halkaas oo ay ku cambaareeyeen xadhiga loo geystay guddoomiyaha xisbullah, kuna tilmaamay mid ka hor imanaysa xoriyadda qofka iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.

"Waxaanu leenahay kiiskooda ha la eego oo haddii ay dambi galeena maxkamad ha la geeyo haddii aanay lahayna xoriyadooda ha loo soo celiyo, midna waxaanu leenahay diinta iyo awqaafta haddii aad tihiin wasaaraddii Diinta u xilsaarnayad waa inaad si degdeg ah uga soo jawaabtaan arrinkaasi aanu leenahay"ayey tidhi Hooyo ka mid ah dumarkan cabanayey.

"Haddii aanu nahay dumarkii reer Somaliland waxaanu leenahay Culimadda la xidh-xidhay ee ay u dhibaataysan yihiin dumarkii ay wax u dhigayeen iyo caruurtoodii waa in la siidaayo, haddii ay dambi ku haystaana maxkamad ha la geeyo, dawladdu waxay tidhi nin waliba codkiisa ayuu hadlaa, haddii uu nin waliba hadlayo maxa kuwan codkooga loogu qabsanayaa, anagoo diintii islaamka kor u qaadayna waa nala qabsanayaa, dadka kalana lama qabsanayo, waana masiibo in dadka asturana wax laga sheego dadka kalana aan wax laga sheegin, Diinta islaamka hoos ha loo eego " ayey tidhi hooyo kale oo ka mid ah taageerayaasha urur Diimeedka XISBULLAH.

"Dalal badan ayaa ku jabay culimo la xidhxidho, Diinta islaamkana waa lagu dhaqmayaa, kamana noqonayno xisbigii aanu ku dhowaaqnay, wuuna soconaya insha alla" ayey tidhi Hooyo kale oo ka hadlaysay siday u taageersan tahay ururkan.

Dumarkan muujinayey sida ay uga xun yihiin xadhiga loo geystay guddoomiyihii iyo Afhayeenka Urur Diimeedka XISBULLAH ayaa sheegay inay cabashadooda gaadhsiiyeyn wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Arrimaha gudaha iyo Madaxweynahaba.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland