![]() |
|
Sylvester Owino Opiyo iyo Hussein Nderitu Abbas waa laga sii daayay xabsiga |
Waxayna labadan nin si iskood ah isugu soo dhiibeen booliska, markii ay taleefishinka ka arkeen muuqalladooda.
Raggan ayaa markii ay is soo dhiibeen la xiray, balse waxaa xabsiga laga sii daayay markii uu looyarkoodu maxkamada tagay, kuna eedeeyay booliska inay macaamishiisa ku haystaan sharci darro.
Ciidamada Kenya ma aysan soo bandhigin cadaymaha ay raggan ku tuhmeen, balse sii dayntooda ayaa xaqiijinaysa in lagu degdegay soo bandhigida muuqaaladooda.
Waxaana looyarkoodu uu dacwad ka geeyay booliska oo uu sheegay inay halis galiyeen nolosha dad Kenyaan ah oo ay ku tilmaameen inay khatar ku yihiin ammaanka dalka, soona bandhigeen sawiradooda taasoo hadii aysan isa soo dhiibi lahayn keeni lahayd in la toogto meeshii lagu arko.
Waxaana dacwada raggan dib loo furi doonaa marka laga soo noqdo xilliyada fasaxa ah ee haatan Kenya ay guda gashay.
Hadii wax cadayn ah lagu waayo raggan , arrintani waxay waji gabax ku noqon doontaa sir doonka Kenya oo horay loogu eedayn jiray inaysan ku filnayn hawlaha loo igmaday.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
