![]() |
| Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed |
Yuusuf Dabageed oo u warramay HOL kaddib markii ciidamadii uu horkacayay ay la wareegeen gacan-ku-heynta magaalada ayaa wuxuu sheegay in ay magaalada gacan-ku-heynteeda la wareegeen ciidamo ka soo horjeeda Gobolka Hiiraan oo Ahlu Sunna ah.
Mar uu ka jawaabayay weydiin ahayd in ciidamada la wareegay magaalada ay yihiin ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, hayeeshee ciidamada hadda la wareegay magaalada Beledweyne ay yihiin Ciidamo Ahlu Sunna ah oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
Dad goob-joogayaal ah ayaa HOL u sheegay in Ciidamadan markii ay magaalada soo gelayeen oo ay gacan-ku-heynteeda la wareegayeen ay digrinayeen, taasi oo dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne u ahayd curato cusub bacdamaa aysan arrintaas horay u arki jirin.
Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamadan horkacayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, kuwaasi oo in muddo ah ku sugnaa deegaanno ka tirsan Gobolka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
