Axad, January 10, 2010(HOL): War ay soo saartay wasaaradda arrimah dibadda ee Itoobiya ayaa looga codsaday beesha caalamka inay jawaab deg-deg ah ka bixiso caga-jugleynta ay Xarrakada Al-shabaab ku hayso dowladda Soomaaliya iyo la wareegidda ay la wareegtay inta badan Soomaaliya.
Wasaaradda Arirmaha dibadda ee Itoobiya ayaa waxay sheegtay in xarrakatul Shabaab ay dagaallada ku bilaabeen si hoose ayna maanta maamullo ka dhiseen inta badan Gobollada Soomaaliya ayna handadaad ku hayso dowladda Federaalka Soomaaliya.
"Beesha caalamka ayaa dusha u ridan doonta guulaha ay gaartay Xarrakatul Shabaab, waxaana laga doonayaa inay sidoo kale talaabo deg-deg ah ka qaadaan caga-jugleynta kasoo baxaysa Xarrakatul Shabaab ee ku wajahan dowladda Soomaaliya iyo dalalka dariska ah" ayuu lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda.
Qoraalka lagu daabacay bogga Internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayay wasaaraddu ku sheegtay in ay aad uga xun tahay qaraxii ka dhacay bishii hore Magaalada Muqdisho ee lagu dilay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo aqoonyahanno kale oo ay ku jiraan arday qalinjabisay.
"Waa in beesha caalamku ay dadaaal u gasho sidii looga hortegi lahaa in xukunka laga tuuro Dowladda Federaalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo Itoobiya ay hadalkaan kusoo beegtay xilli muddada loo kordhiyay ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa laba sano oo faragelin Milateri ay ku joogtay Soomaaliya ugu dambeyn ciidankeeda kala baxday horraantii sannadkii aanu soo dhaafnay ee 2009, kaddib markii kooxaha mucaaradka qaarkood iyo xukuumaddii hore ay ku heshiiyeen inay dhisaan dowlad midnimo Qaran.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya