Axad, January 10, 2010(HOL): Howgallo ay maanta sameeyeen ciidamada amaanka magaalada kismaayo ayay ku soo qabqbteen ilaa 10 kamid ah haweenka qaadka ka ganacsada kuwaasi oo qaad ku iibinayay qaar kamid ah goobihii uu maamulku hore uga mamnuucay in qaadka lagu iibiyo ee magaalada kismaayo.
Taliyaha saldhigga magaalada kismaayo Sheekh Abuu hureera Ismaaciil Axmed oo maanta la hadlayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay howgalladii ay ku soo qabqabteen haweenkaasi waxa uuna sheegay in tirade haweenka ay soo qabqabteen ay gaareyso ilaa 10 haween ah kuwaas oo uu sheegay in ay qaadka ku iibinayeen hareeraha wadooyinka magaalada Kismaayo.
Sheekh Abuuhureera ayaa sidoo kale uga digay haweenka qaadka ka ganacsada in ay qaadka ku dhex iibiyaan gudaha magaalada kismaayo, waxa uuna ugu baaqay in ay ku ekaadaan goobaha ka baxsan magaalada kismaayo ee uu maamulku u calaamadiyay in ay ku iibiyaan qaadka.
Sikastaba ha ahaatee ciidamada amaanka magaalada kismaayo ayaa dhawaanahanba waxa ay wadeen howlgallo lagu ugaarsanayo haweenka sida qarsoodiga ah qaadka ugu dhex iibiya gudaha magaalada kismaayo iyo weliba raga iyagu garka iska xiira, waxaana howlgaladaasi lagu soo qabqabtay rag badan oo garka iska xiiray iyo haween qaad ku dhex iibinayay gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya