Dowladda Soomaliya oo soo dhaweysay muddo kordhinta loo sameeyay Ciidamada AMISOM.

Axad, 10, Jen 2010 (HOL) Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Cali Jaamac Jangali oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya siweyn u soo dhaweyneyso mudo kordhintii Midowgga Africa u sameeyay Ciidamada nabada ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ee AMISOM.
 
Wasiirku waxaa uui intaa ku daray in Ciidamada  nabad ilaalina ee ka socda wadamada Uganda iyo Burundi yihiin ku qeyb weyn ka qaadan kara soo celinta nabada dalka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in Qaramada Midoobe looga fadhiyo in ay ansixiyan ga'aanka ka soo baxay gudiga Nabadgalyada Midowgga Africa.
 
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaanshaandhiga Dowladda Soomaaliya Shiikh Yuusuf Max'ed Siyaad Idhacada ayaa sheegay in Midowgga Africa qaadeen talaabo wax ku ool ah, gaaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay in muddo kordhinta loo sameeyay Ciidamada AMISOM tahay mid caawineysa qorshaha Dowladdu waddo ee ku aadan dib u soo celinta Nabadgalyada dalka.
 
Indhacada waxaa uu intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya dalbadatay talabada ay qaadeen Mas'uuliyiinta Midowgga Afirca ee ah in waqti lagu daro mudada joogitaanka Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.
 
Ga'aanka Jimcihii dhawaa ka soo baxay Midowgga Afirca ee mudada 6-bilood ah loogu kordhiyay Ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya gaar ahaa Magaalada Muqdisho ayaa la oran karaa waa fursad hor taala Dowladda Soomaaliya oo looga fadhiyo in ay ka faa'ideysto, maadaama ay jiraan Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda kuwaa oo dagaalo joogta ah kula jira Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]