Axad, January 10, 2010(HOL): Waxaa sii xoogeystay dagaalkii goor dhaweyd ka qarxay gudaha magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaasi oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan cidda uu u dhaxeeyo.
Warar horay u soo baxay ayaa sheegayay in dagaalka uu u dhaxeeyo CIidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Xisbul Islaam ee ka soo horjeeda, kuwaasi oo dhawaanahan gacanta ku hayay magaalada Beledweyne.
Waxaa warkaas ka dambeeyay war kale oo sheegaya in dagaalka uu u dhaxeeyo Xoogag daacad u ah Xisbul Islaam iyo Xoogag ka amar qaata Ahlu Sunna Wal-jamaaca. Guddoomiyihii hore ee Degmada Maxaas Aadan Cabdulle Cawaale oo ku biiray Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa sheegay in dagaalka ka socda magaalada Beledweyne uu u dhaxeeyo Xoogag kala taabacsan Xisbul Islaam iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dagaalka ayaa wuxuu haatan si xooggan uga socdaa magaalada Beledweyne, waxayna dhinacyada dagaallamaya isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadka ku nool magaalada ay si weyn uga wel welsan yihiin waxa uu ku dambeyn doono xaalka magaalada Beledweyne.
La soco wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka ka socda Magaalada Beledweyne.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]