Axad, January 10, 2010(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu magaaladaas goor dhaweyd ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam.
Dagaalka oo bilowday kaddib markii ay CIidamada Dowladda weerar ku soo qaadeen fariisimo ay leeyihiin Xoogagga Xisbul Islaam ayaa wuxuu haatan ka dhacayaa nawaaxiga Xarunta Dhaqancelinta Iftin ee gudaha magaalada ku taalla, iyadoo weli la maqlayo hubka ay labada dhinac isku ridayaan.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxayna dadka ka baqayaan in dagaalka uu sii xoogeysto, isla markaana uu ku faafo magaalada oo dhan, taasina ay keento khasaare dadka magaalada ka soo gaarta dagaalkan.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dhinacyada ku dagaallamaan magaalada Beledweyne, waxaana jirtay in dhowr jeer oo hore ay gacan ku heynta magaalada la kala wareegeen dhinacyada dagaallamaya, iyadoo dagaalkooda aan dhamaadka lahaynna ay dhibaato ku qabaan dadka ku nool magaalada Beledweyne.
Wixii ku soo kordha dagaalka ka socda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online