Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegtay in ay la soo wareegeyso Burcad Badeedda ku xiran Dalalka ka baxsan Soomaaliya

Axad, 10, Jen 2010 (HOL) Wasaarada Arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday  in Dowladda Soomaaliya aysan  u dulqaadan doonin in xabsi leysaga hayo burcad badeedda Soomaaliyeed ee ku xiran qaar ka mid ah wadamada Qaarada Yurub iyo America.
 
Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya Dr, Cabdi Max'ed Culusow
ayaa Warbaahinta u sheegay in Wasaarada Arrimaha dibada dadaal dheeraad ah ugu jirto sidii dib gacanta Dowladda loogu soo celin lahaa burcad badeeda Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada wadamada ka baxsan dalka Soomaaliya si markaa loogu Maxkamadeeyo gudaha dalka.

Agaasimaha wuxuu intaas ku daray in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu shirar caalami ah ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay daneyneyso in lagu soo wareejiyo kooxaha burcad badeedka ah, si markaas gudaha dalka Soomaaliya loogu maxkamadeeyo.

 Warkan ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa muujinaya sida Dowladdu ay uga soo horjeedo in meel aan dalka aheyn lagu Maxkamadeeyo qof Soomaali ah oo loo heysto dambi uu galay, waxaana xusid mudan in haddii arrintani laga dhabeeyo ay fursad u noqon karto waalidiin badan oo Soomaaliyeed kuwaa oo ka wal walsanaa xaalada wiilashooda ku jira gacanta Dowladdo Shisheeye iyo xitaa burcad badeed laftirkooda oo fursad u arka in dib dalka loog celiyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]