5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 10, 2010
Shir ku saabsan ammaanka oo ka furmay Galkacyo iyo Doon Kalluumaysi oo ku gubatay Boosaaso

Axad, January 10, 2010(HOL): Shir ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka gobolka mudug ayaa maanta ka furmay xarunta Nabadda iyo hormarinta ee CPD ,kaasi oo ku saabsan amaanka gobolka.

Kulankaan waxaa ka soo qayb ka galay in ka badan 20 oday dhaqameed oo ka soo jeeda Puntland, waxaan shir gudoominayay Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Maxamed Cali Yuusuf (GaaGaab oo ah agaasimaha xarunta Nabada iyo hormarinta Puntland.

Shirkaan ayaa lagu sheegay in uu wax wayn uu ka tiri doono amaanka magaalada Galkacyo oo baryihii u danbaysay ahaa mid aan la isku halayn karin.

Agaasimaha Xarunta CPD Maxamed Cali yuusuf oo saxaafada la hadlay shirkaasi ka dib ayaa sheegay in shirkaasi laga soo saaray baaqyo wax ku ool ah oo ku aadan amaanka Galkacyo.

Baaqyada la soo saaray waxaa ka mid ahaa in si dag dag ah ay kulumo u qaataan ergay ka kala socota maamulada Puntland iyo gal mudug ,si xal looga gaaro amni xumada

dhinaca dooni nooca kaluumaysiga ah ayaa maanta ku gubtay dekada wayn ee magaalada Boosaaso waxaana dusheeda saarnaa Foostooyin shidaal ah ,Mana jirto cid ku wax yeeloowday marka laga reebo bur bur ku yimid doonta iyo Hantidii Saarnayd.
 
 Feysal Maxamed Hassan (Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya